5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 9 , 2022
Hay'adda IMF oo mar kale uga digtay dowladda Soomaaliya dib u dhaca doorashada
 

Arbaco, Maarso, 9, 2022 (HOL) - Hay'adda lacagta adduunka ee IMF ayaa mar kale ku celisay in hubanta la'aanta siyaasadeed iyo dib u dhacyada doorashooyinka Soomaaliya ay keeni karaan in si toos ah uu u dhaco barnaamijka taageerada dhaqaale ee Soomaaliya.

IMF waxay sheegtay arrintani inay  khatar gelin doonto bixinta deeqaha taageerada miisaaniyada dowladda Soomaaliya, taas oo inta badan ku tiirsan taageerada dowladdu ka hesho dibadda.

Hay'adda IMF waxay sidoo kale sheegtay in tani meesha ka saari doonto barnaamijka deyn cafinta buuxda ee loosoo gaabiyo magaciisa HIPC.

Si barnaamijku u socdo,  IMF waxay sheegtay  haddii Madaxweyne la doorto inay xaqiijinayso sida ay uga go'an tahay sii wadida barnaamijka dhaqaalaha inay dib u bilaabaan deeqaha miisaaniyadda Soomaaliya

Hay'adda IMF waxay caddeysay in haatan miisaaniyada deeq bixiyayaasha Soomaaliya uu hakad ku jira ilaa doorashooyinka la dhameeyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online