5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 9 , 2022
Jubbaland oo maamulka gobolka Gedo ku eedeysay in ay Garbaaheey udiideen guddigii raysal wasaaruhu magacaabay
 

Arbaco, Maarso, 9, 2022 (HOL) - Jubbaland ayaa ku eedeysay maamulka gobolka Gedo inuu awood ciidan u adeegsaday wefti raysal wasaaruhu usoo magacaabay inay qiimeyn ku sameeyaan doorashada Garbahaareey.

Wasiiru dowlaha amniga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in tagniko dagaal iyo ciidamo la geeyay garoonka diyaaradaha ee Garbahaareey  si looga hortago imaanshaha guddiga.

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay arrinta ka dhacday gobolka Gedo arrin iska cad oo la doonayo in Jubbaland la galiyo colaad iyo qalalaase  islamarkaana la doonayo in Jubbaland oo Garbahaareey ka maqan la qabto doorasho aan sharciyad haysan, sida uu hadalka u dhigay.

"Garoonkii waxaa la galshay gaadiidka tegniko ah. Xitaa waxaa la diiday in diyaaradaha rayidka ah ay kasoo dagaan garoonka. Shacabkii oo afduuban baa la bannaan bixiyay. Sharciyadii dalka gacantaa lagu qaatay. Midaasna ma ahan wax shaqeynaya,"ayuu yiri wasiir udowlaha amniga Jubbaland.

Kaliil wuxuu dowladda federalka ku eedeeyay in aysan diyaar u ahayn inay fuliso heshiiskii doorashada gobolka Gedo, oo ah in maamulka Jubbaland loo madax bannaaneeyo doorashada gobolka Gedo.

Dhinaca kale maamulka Jubbaland ayaa lagu eedeeyay inuu laftiisa qeyb ka yahay arrimaha ka jira gobolka Gedo. Waxaa madaxweynaha Jubbaland uusan weli soo magacaabin guddoomiyihii degmada Garbahaareey ee bulshadu ugudbisay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online