5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 7 , 2022
6 askari oo katirsan ciiddanka Puntland oo ku geeriyooday shil gaari

Isniin, Maarso, 7, 2022 (HOL) - Ugu yaraan 6 askari oo katirsan ciiddanka Puntland ayaa ku geeriyooday shil gaari oo maanta ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka Garowe iyo Dangarayo ee gobolka Nugaal.

Shilkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii gaari ciiddan oo ay la socdeen askartaan uu ku rogmaday meel goolad ah oo kutaala tuulada Karan-dhiig oo labada magaalo u dhaxaysa.

Askartan geeriyootay iyo kuwa kaloo dhaawacmay ayaa kasoo laabtay magaalada Boosaaso, waxayna katirsanaayeen urur ciiddan oo lagu magacaabo Dayax, kuwaas oo kamid ahaa ciiddamadii Boosaso loo geeyay colaadda halkaas ka jirtay.

Saddex kamid ah 8 askari kale oo sidoo kale ku dhaawacmay shlkaan gaari ayaa xaaladdooda caafimaad laga deyrinayaa, waxaana soo gaaray dhaawacyo aad u culus.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida askartan, kadib markii uu maanta dib ugusoo laabtay magaalada Garowe, kadib todobaadyo uu ku sugnaa magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Deni ayaa geerida askartan si gaar ah ugaga tacsiyeeyay saraakiisha ururka 4-aad ee Dayax ee ciiddanka Daraawiishta Puntland oo ay ka tirsanaayeen.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online