5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 7 , 2022
Suuqyada lagu iibiyo hilibka Geela ee magaalada Muqdisho oo Maalintii labaad xiran

Isniin, Maarso, 7, 2022 (HOL) - Waxaa Maalintii labaad xiran dhamaan suuqyada lagu iibiyo hilibka Geela ee magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, kadib khilaaf la sheegay inuu soo kala dhexgalay ganacsatada iyo dalaaleyda.

Shalay iyo Maanta ma jirin wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah oo la xariira iibinta hilibka Geela, waxaana goobahii lagu iibin jiray hilibka dhamaantood ay yihiin kuwa haawanaya.

Xirnaashaha Suuqyada  lagu iibiyo hilibka Geela ee Magaalada Muqdisho ayay ganacsatada ku sheegeen in ragga dalaaleyda ah ay kordhiyeen qiimaha lagu kala dalaalo neefka Geela taasina ay culeys badan ku noqotay ganacsigooda.

Hilib la'aanta ka jirta Suuqyada lagu iibiyo hilibka Geela ayaa sidoo kale sababtay in qiimaha lakala iibsado Kaluunka uu sara kac xoogan ku yimid, waxaana kiilada Kaluunka lakala siisanaya lacag dhan sideed dollar halka markii hore lakala siisan jiray afar dollar.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir xirnaashaha Suuqyada lagu iibiyo hilibka Geela ee magaalada Muqdisho oo maalintii labaad ah kuwa xiran.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online