5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 7 , 2022
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya oo iskusoo sharraxay xilka madaxweynaha Soomaaliya
 

Isniin, Maarso, 7, 2022 (HOL) - Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa maanta magaalada Gaalkacyo kaga dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiir hore Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay Soomaaliya in ay u baahan tahay inay qaado waddo cusub oo ka duwan midda maanta lagu maamulo. Wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay dowlad ka shaqeysa dib udhiska dalka iyo dimoqraadiyadda.

Maxamed Cabdirisaaq waxa uu sheegay madaxda haatan haysa talada dalka in ay ku socdaan waddo qar iska xoornimo ah ayna kusii fogaanayaan sharci darro iyo falal dastuurka ka baxsan.

“Maanta way adag tahay in la helo hoggaamiye ka madax bannaan damaca u adeegsiga dowladnimada in ay ku noqdaan maalqabeenno, iyagoo iska horkeenaya dadka Soomaaliyeed. Waa inaan sidaan iska beddelnaa haddii aan rabno in Soomaaliya horey u socoto,” ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda.

Waa markii labaad oo Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud uu iskusoo sharraxo xilka madaxweynaha muddo shan sano gudaheed ah.

Sannadkii 2017, siddeedii February, wuxuu kamid ahaa 24 musharrax oo ka qeyb galay doorashada madaxweynaha Soomaaliya,  doorashadaas oo madaxweyne Farmaajo uu kusoo baxay. 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online