5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 7 , 2022
Proff Ibbi: Barlamaanka waxaa laga saaray 79 Xildhibaan oo ahaa kuwii ugu aqoonta badnaa ugu waayo aragsanaa
 

Isniin, Maarso, 7, 2022 (HOL) - Prof, Cabdiraxmaan Xaaji Aadan (Ibbi) oo katirsanaa barlamaankii hore ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa in ay dagaal adag kula jiraan sidii barlamaanka looga saari lahaa cid kasta oo lagu ogyahay aqoon iyo waayo aragnimo.

Prof Ibbi wuxuu sheegay 79 xidlhibaan oo ahaa dadkii ugu aqoonta badnaa barlamanka Soomaaliya in meesha laga saaray laguna beddelay dhallinyaro ku cusub siyaasada.

Wuxuu sheegay ujeedada laga leeyahay in ay tahay, in barlamaanka laga waayo cid waxgaranaysa ama uu ku jiro han ah, in ay iskusoo sharraxaan kuraasta sare ee barlamaanka.

“Farmaajo qofka uu rabana waa soo saaranayaa, qofka uu rabana waa diidayaa. Waxaa lagu fikaraayaa, dadkaan wanaagsan bixiya, dad idinka yes man idiin ahna soo galiya,” ayuu yiri xildhibaan hore.

Ibbi oo kamid ahaa xildhibaannada muddada dheer kusoo jiray barlamaanka Soomaaliya, islamarkaana lagu tirin jiray dadka taageersan siyaasada madaxweyne Farmaajo, ayaa kamid noqday xildhibaannada kuraastoodii waayay.

Waayitaanka kursigiisa wuxuu ku eedeeyay in ay ka dambeyso madaxtooyada Soomaaliya, isagoo sheegay in saacadihii ugu dambeysay doorashada kursigiisa qof kale loo wareejiyay.




Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online