5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 7 , 2022
Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiiyo ku saabsan arrimaha siyaasada iyo horumarinta
 

Isniin, Maarso, 7, 2022 (HOL) - Safiirka dowladda Qatar u qaabilsan Soomaaliya Xasan Bin Xamza ayaa bogaadiyay xiriirka adag ee ka dhaxeeya dowladdaha Qatar iyo Soomaaliya.

Safiirka oo u warramayay Wakaaladda Wararka Qatar ee QNA, ayaa sheegay in socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee dalka Qatar uu qeyb ka qaadan doono sii xoojinta xiriirka dhinacyada kala duwan leh.

Safiirka ayaa sheegay in ay labada dal kala saxiixdeen heshiisyo dhinacyo kala duwan leh oo ay ugu horreeyaan dhanka waxbarashada ah. maalgashiga, kahortaga lunsiga dhaqaale iyo cashuuraha, arrimaha siyaasada, iyo qaybta duulista rayidka ah.

Safiirku wuxuu sheegay in dowladda Qatar ay hadda ku howlan tahay dhameystirka Mashruuca Wadada isku xirta Muqdisho iyo Magaalada Jowhar oo dhererkeedu dhan yahay 90km.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online