5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 7 , 2022
Dib u dhac ku yimid jadwalkii Doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee magaalada Baledweyne

Isniin, Maarso, 7, 2022 (HOL) - Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Hirshabeelle ayaa shaaciyay inuu dib u dhac ku yimid jadwalkii soo gudbinta guddiga xulista ergada 11 kursi oo ay dhawaan shaaciyeen jadwalka qabashada doorashadooda, islamarkaana ay sheegeen in sababo farsamo awgood dib u dhaca ku yimid.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in dhamaan daneeyayaasha doorashada lagu wargelinayo inuu dib u dhac ku yimid jadwalkii doorashada 11 kursi oo ka mid ah kuraasta doorashadoodu ku harsan tahay magaalada Baledweyne.

"Guddiga Doorashoada Hirshabelle (SEIT) Waxuu Ogaysiinayaaa dhamaan daneeyaasha Doorashada in dib u dhac uu ku yimid jadwalkii soo gudbinta guddigu Xulista ergada ee guddigu shaaciyay taariikhda markii ahayd 02/03/2022 sababo Farsamo Awgeed. Guddigu dib ayuu ka soo shaacin doonaa Jadwal kale oo faahfaahsan sida ugu dhaqsiyaha badan" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska guddiga doorashada Hirshabeelle.

Dib u dhaca Maanta ay shaaciyeen guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa kusoo beegmaya xili Maanta qorshuhu ahaa in guddiga bilaabaan diiwaan gelinta Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan 11-ka kursi ee ka mid kanah kuraasta Golaha Shacabka.

Wararka hoose oo ay heleyso Shabakadda HOL ayaa sheegaya in sababaha ugu weyn ee keenay dib u dhaca iney tahay xiisad laga cabsi qabo iney ka dhalato kuraasta qaar oo la sheegay in loo xiray Musharaxiinta qaar, xili Baledweyne ay ku sugan yihiin Musharaxiin aad u farabadan oo si aad ah u hubeysan, kuwaas oo sheegay iney jawaabo cad ka bixin doonaan hadii la isku dayo in kuraasta doorashada shaqsiyaad gaar ah loo xiro.

Doorashada 11-kaan kursi ayaa ah kuwa ugu tartanka adag ee kuraasta taalay magaalada Baledweyne, waxaana dadka ku dhaqan Baledweyne ay ka cabsi qabaan in doorashada kuraastan ay sababto dagaalo ka dhaca gudaha magaalada oo la ciirciireysa ciidamo kala duwan oo si weyn u hubeysan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online