5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 6 , 2022
Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo Maanta lagu doortay magaalada Gaalkacyo


Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Galmudug ayaa Maanta ku qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug doorashada afar kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Gaalkacyo oo ah deegaan doorashada labaad ee Galmudug.

Guddiga ayaa subaxnimadii hore ee Maanta shaaciyay iney qabanayaan doorashada 5 kursi, hayeeshee waxay qabteen doorashada afar kursi lamana oga sababta keentay in kursiga shanaad doorashadiisa la qaban waayo.

Kursiga koowaad ee doorashada Maanta ka dhacday Gaalkacyo oo sumadiisu yahay HOP 013, waxaa ku guuleystay Aadan Cismaan Xuseen oo helay 82 cod, halka kursiga labaad ee HOP 101 uu doorashadiisa kusoo baxay Xersi Aadan Rooble oo helay 88 cod.

Kursiga Sedexaad oo tirsigiisu yahay HOP 001, waxaa ku guuleysatay Jawaahir Maxamed Axmed io heshay 101 cod oo ah dhamaan codadka ergada kursigaasi.

Kursiga afaraad ee doorashadii Maanta ka dhacday Gaalkacyo oo tirsigiisu yahay HOP 017,  waxaa kusoo bacday doorashadiisa Qaladla Cali Cawaale, taas oo heshay 79 cod.

Doorashada Maanta ka dhacday Gaalkacyo waxay horay guddiga doorashada Galmudug usoo saareen jadwalka 6 kursi hayeeshee, waxaa kursiga lixaad dib loogu dhigay xiisad ka dhalatay darteed oo aheyd markii loo diiday kursiga Jenaraal indhaqarshe oo u taagna u tartamida kursi, balse la sheegay in maamulka Galmudug uu u qorsheeyay kursiga qoondo dumar.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online