5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 6 , 2022
Doorashada Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Magaalada Gaalkacyo

Axad, Maarso, 6, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ay ka dhacdo doorashada 5 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Gaalkacyo.

Guddiga doorashada maamulka Galmudug Shalay soo gabagabeeyay shahaado siinta Musharaxiinta buuxisay sharuudahii laga rabay kuraasta sumadoodu kala ah HOP 101, HOP 013, HOP 060, HOP 017, HOP 001.

Qorshaha doorashada Maanta ka dhaceysa magaalada Gaalkacyo ayaa aheyd in 6 kursi doorashadooda ay dhacdo, hayeeshee waxaa dib loo dhigay kursi uu doonayo inuu u tartamo taliyahii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe oo la sheegay in laga hor istaagay inuu u tartamo kursigaasi oo loo qorsheeyay in laga dhigo qoondo dumar, islamarkaana sababay iney abuuranto xiisad dagaal.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa xiisadaasi kadib waxaa uu safar deg deg ah ku gaaray magaalada Gaalkacyo si uu uga hortago dagaalo halkaasi ka dhaco.

Wararka doorashada Maanta laga helayo ayaa waxay sheegayaan in 5-ta kursi ay laba ka mid ah dib ugu soo laaban doonaan shaqsiyaadkii horay ugu fadhiyay, halka sadaxda kursi ee kalana ay kuso bixi doonaan Musharaxiin cusub oo ka mid noqon doona Baarlamaanka 11 ee dalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online