5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 5 , 2022
Xisbiyada mucaaradka dowlad degaanka Soomaalida, oo shir uga furmay maanta magaalada Nayrobi ee dalka Kenya
 

Sabti, Maarso, 5, 2022 (HOL) - Dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nayrobi waxaa galinkii dambe ee maanta shir uga furmay xisbiyada mucaaradka ah ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya .

Xisbiyadan maanta ku shiraya Nayrobi ayaa waxaa kamid ah, Xisbiga sinaanta iyo cadaaladda oo uu ka socdo guddoomiyaha xisbiga Sheekh Ibraahim dheere, Xisbiga ONLF oo isna uu ka socdo guddoomiyaha xisbiga Cabdiraxmaan maadey, iyo Golaha danta Soomaaliyeed oo isna uu ka socdo Axmed Xasan Baaje iyo Masuuliyiin kasoo jeeda gobollada waqooyi bari Kenya iyo marti sharaf kale.

Ujeedka shirkan loo qabanayo ayay xisbiyadu ku sheegeen, in lagaga arrinsanayo xaaladda guud ee degaanka Soomaalida, xaaladda Abaarta degaanka ka jirta, iyo midaynta mowqifka siyaasadda ee soomalida, waa siday hadalka u dhigeen xisbiyada mucaaradku.

Shirkan ayaa ah kii u horreeyay ee noociisa ah ee xisbiyo mucaarad ahi isugu yimaaddaan hal fagaare oo ka baxsan degaanka Soomaalida, iyadoo la xasuusan yahay in shirkii kan ka horeeyay ay xisbiyadii isu yimid ahaayeen labo xisbi oo kaliya, Xisbiga ONLF iyo Golaha danta Soomaaliyeed, kaas oo xilligaa ka dhacay isla magaalada Nayrobi.

Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa inbadan ku celcelisay inaysan jirin wakhti xaadirkan wax sababaya in meel degaanka Soomaalida ama dalka Itoobiya ka baxsan ay ku shiraan xisbiyada mucaaradka ee degaanku, maadaama dalku iyo degaankuba uu yahay nabad, isla markaana ay degaanka ka jirto xorriyadda hadalka iyo dhaqdhaqaaqa oo la isku hallayn karo.

Waxaa xusid mudan in xisbiyada mucaaradka ah ee Nayrobi ku shiraya qaarkood xafiisyo ku leeyihiin gudaha degaanka Soomaalida iyo magaalooyinka waawayn ee dalka Itoobiya.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]