5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 5 , 2022
Guddiga doorashada Puntland oo soo gabagabeeyay doorashada 16 kursi oo aqalka hoose ah

Sabti, Maarso, 5, 2022 (HOL) - Magaalada Bosaso ayaa maanta lagu doortay 16 xildhibaan oo qeyb ka ah xildhibaannada Puntland ku matalidoona barlamaanka aqalka hoose ee Soomaaliya.

Ma jirin tartan doorasho oo weyn oo ka dhacay magaalada Bosaso, waxayna xildhibaannadu kusoo baxeen hab tanaasul ah, sida horey looga bartay doorashooyinka aqalka hoose ee ka socda dalka.

Badi xildhibaannada maanta soo baxay waa wajiyo cusub oo qaarkood saaxiib dhow la ah madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, kaasoo lagu eedeeyay inuu faro galin xooggan ku sameeyay doorashada aqalka hoose.

Siyaasiyiin sanado badan kasoo dhex muuqanayay barlamaanka Soomaaliya ayaa ku guuldaraystay in ay mar kale soo laabtaan.

Qaar kamid ah ayaa la filayaa inay galabta warbaahinta ka hadlaan, si ay usoo bandhigaan mowqifkooda ku aadan doorashada ka dhacday Boosaaso.

Halkaan hoose ka akhriso xildhibannnada lagu doortay Bosaso.

Maxamed Cabdiqaadir Maxamed hop-190

Ismaaciil Shire Jaamac Hop-14

Cabdulaahi Faarax Mire  Hop-228

Caynaanshe Yusuf Xuseen Hop-222

Maxamed Aadan Diini Hop-036

Siciid Cali Muuse Hop-027

Sadaam Maxamuud Cabdi Hop-158

Faysal Axmed Maxamuud Hop-149

Cali Xaaji Daahir Hop-220

Maxamed Bashiir Cali Hop-083

Cali mahdi maxamed Hop-169

Muuse axmed Ismaaciil Hop-076

Marwo Cabdirishiid Xaaji Hop-234.

S/gaas Bashiir Cabdi Ameeriko Hop-273.

Cabdicasiis Maxamed Qambi Hop-127.

Maxamuud Axmed Geesood Hop-157.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online