5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 5 , 2022
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayay oo u safray Doxa
 

Sabti, Maarso, 5, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhowayd safar shaqo oo labo maalmood qaadanaya ugu ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qadar Tamim bin Hamad Al Thani ayaa halkaas ku yeelan doona wada hadallo lagu gorfaynayo xoojinta xiriirka iyo horumarinta iskaashiga labada dowladood.

Waa markii labaad oo madaxweyne Farmaajo uu booqasho ku tagayo magaalada Dooxa tan iyo intii howlaha doorashooyinku bilowdeen.

Qatar ayaa lagu tiriyaa in ay miisaan culus ku yeelatay guushii la yaabka lahayd ee Farmaajo uu ka gaaray doorashadii madaxweynenimada ee 2017-kii oo uu kaga adkaaday Xasan Sheekh Maxamuud.

Agaasimihii hore ee hay'adda Nabadsugida Qaranka Fahad Yaasiin ayaa ahaa Madaxii Ololaha madaxweyne Farmaajo,  waxaana la sheegay inuu ka dambeeyay xiriirka Doxa iyo Farmaajo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online