5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 5 , 2022
Dowlad Deegaanka Soomaalida: Askari loo xiray kufsi uu u gaystay gabadh yar oo ay dhashay xaaskiisu

Sabti, Maarso, 5, 2022 (HOL) - Askari ka tirsan ciidanka gaarka ah ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ee  Liyuu Boolis ayaa la xiray kaddib markii lagu eedeeyay inuu kufsi u gaystay gabar yar oo ay dhashay xaaskiisu.

Falkan oo ka dhacay degmada Hargeelle ee gobolka Afdheer ee dowlad degaanka Soomaalida, ayaa la sheegay in gabadhan yari uu kufsaday nin ay wada joogaan hooyada dhashay gabadha la kufsaday, waxaana la sheegay in dhawr jeer uu dhacay falka kufsigu, isla markaana gabadhan yari ay intii hore cabsanaysay, maadaama ninku ahaa Askari, balse markii uu xanuunku ka batay ay arrinka shaacisay.

Gaashaanle Qorane Cabdulaahi oo baadhaha Booliska gobolka Afdheer ah ayaa dhankiisa waxa sheegay in Booliska ay arrintani soo gaarsiisay gabadh habeenkii martiday xaafadda gabadhan yar, oo arrinta kufsiga indhaheeda ku arkaysay, sidaana gabadhii yarayd booliska ugu soo dhawaysay, si iyaduna ay booliska ugu sheegto siday wax u dhaceen.

Dhanka kale Madaxa Haweenka ee degmada uu falkani ka dhacay ee Hargeelle Nasra Sh Cumar oo arrinta gabadhan yari aad u danaqday ayaa sheegtay inay u taagan tahay sidii ay gabadhan yari caddaalad u heli lahayd, eedaysanahana ciqaabtii ku haboonayd loo marsiin lahaa.

Askariga ku eedaysan kiiska gabadhan yar oo kufsi ah, ayaa hadda ku jira xabsiga degmada Hargeelle ee gobolka Afdheer ee dowlad degaanka Soomaalida.

Arrimahan noocan oo kale ah ee Kufsiga ama fara xumaynta ayaa inta badan ahaan jiray kuwo aan soo dhaafin guriga ama qoyska, balse arrintan ayaa noqotay mid xanuunkeeda leh, oo dad badan oo xuquuqda haweenka ama caruurta u dooda ay ka qayliyeen.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]