5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 5 , 2022
Doorashada 16 kursi oo aqalka hoose oo ka billaabatay magaalada Boosaso

Sabti, Maarso, 5, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa Bosaso ka billaabay Doorashada 16 kursi oo golaha shacabka ah.

Kursigii ugu horreeyay ee doorashada oo sumadiisu tahay hop157, waxaa ku guulaystay musharax lagu magaacaabo Maxamuud Aadan Axmed.

Kursiga labaad waxaa ku guulaystay Cabdicasiis Maxamed Maxamuud Qambiayaa oo ku tartamayay kursiga Tirsigiisu yahay HOP227.

Taliyihii hore ciiddanka Booliiska Soomaaliya Gen Bashiir Cabdi Mohamed Ameeriko ayaa sidoo kale ku guulaystay doorashada Bosaso ka socota.

Saddex musharax ee soo baxay ayaa ku guulaystay cod gacan taag ah kadib markii ay tanaasuleen musharraxiintii kuraasta kula qornaa.

Doorashadan waxaa laga reebay xubno katirsanaa golaha wasiiradda Soomaaliya, kuwaas oo ay kamid yihiin, wasiirkii qorshaynta jamaal Maxamed Xasan, wasiirkii xanaanada xoolaha Siciid Xuseen Ciid, wasiir udowlihii maaliyadda, Maxamuud Xayir oo dhammaantood ahaa xildhibaanada barlamaankii hore iyo siyaasiyiin kale.

Guddiga doorashada ayaa shalay si rasmi ah usoo usaaray liiska musharraxiinta buuxiyay sharuudaha, waxaana ka muuqday wajiyo cusub oo la filayo in ay ku yimaadeen rabitaanka madaxweyne Deni oo u hanqal taagaya tartanka madaxtinimada Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online