5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 5 , 2022
Madaxweyne Farmaajo oo maanta u safraya magaalada Doha
 

Sabti, Maarso, 5, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u safraya magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Madaxweyne Farmaajo ayaa axada berrito ah la kulmidoona Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani,  iyagoo ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo sidii loo taageeri lahaa loona horumarin lahaa.

Farmaajo oo weli saaxiib dhow la ah dalalka Khaliijka, ayaa u safraya dalka Qatar, iyadoo geeddi-socodkii doorashada Soomaaliya uu u muuqdo mid gabagabo ah, iyadoo horay loo doortay ku dhawaad ​​180 xildhibaan oo ka mid ah 275-ka xubnood ee baarlamaanka Soomaaliya.

Qatar ayaa lagu tiriyaa in ay miisaan culus ku yeelatay guushii la yaabka lahayd ee Farmaajo uu ka gaaray doorashadii madaxweynenimada ee 2017-kii oo uu kaga adkaaday Xasan Sheekh Maxamuud.

Agaasimihii hore ee hay'adda Nabadsugida Qaranka Fahad Yaasiin ayaa ahaa Madaxii Ololaha madaxweyne Farmaajo,  waxaana la sheegay inuu ka dambeeyay xiriirka Doxa iyo Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ugu dambeysay u dhoofay Dooxa si uu ula kulmo Amiirka dalkaasi waxay ahayd dhamaadkii bishii November.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online