5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 5 , 2022
Guddiga Hirgelinta Doorashada Galmudug oo shaaciyay jadwalka doorashada 5 kursi oo Gaalkacyo lagu dooranayo

Sabti, Maarso, 5, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Galmudug ayaa shaaciyay jadwalka qabashada doorashada 5 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

War qoraal ah oo ay shaaciyeen guddiga doorashada Galmudug ayay ku sheegeen in Maanta Sabti ah ay bilaabaneyso diiwaan gelinta Musharaxiinta, islamarkaana Maalinta berito ah ay dhaceyso doorashada 5-taan kursi.

Kuraasta qabashada doorashadooda ay shaaciyeen guddiga doorashada Galmjdig ayaa kala ah tirsigooda HOP 001, HOP 013, HOP 101, HOP 017, HOP 060, kuwaas oo noqonaya kuraastii ugu horeysay ee doorashadooda lagu qabanayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Hoos ka akhriso jadwalka oo dhameystiran.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online