5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 5 , 2022
Booliiska Baledweyne oo toogasho ku dilay dabley dishay Sarkaal ka tirsanaa Booliiska Hirshabeelle

Sabti, Maarso, 5, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ugu geysteen xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne Sarkaal ka tirsanaa Boolooska Magaalada Baledweyne.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Laba xidigle Axmed Xasan biriq waxaana dilkiisa fuliyay kooxo bastoolado ku hubeysnaa, waxaana howlgalo deg deg ah oo ay sameyeen ciidamo ka agdhawaa goobta lagu dilay Sarkaalka ay u suurtagashay iney isla goobta ku dilaan laba ka mid ah dableydii dishay Sarkaalka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen sadax ruux oo kale oo ay sheegeen iney qeyb ka ahaayeen howlgalka lagu dilay Laba xidigle Axmed Xasan Biriq.

Magaalada Baledweyne ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilalka qorsheysan ee loo geysto ciidamada iyo Nabadoonada, waxaana ugu dambeeyay dilkii bishii lasoo dhaafay loo geystay Nabadoon Cabdi Xuseen Coloow oo ka mid ahaa nabadoonada ugu caansan magaalada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online