5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 4 , 2022
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay xaalada Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka qaxay dagaalada Ukraine

Jimco, Maarso, 4, 2022 (HOL) - Masuuliyiinta Safaaradaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Germany, Belgium iyo Serbia ayaa sameeyay bar isgaarsiineed oo waxtar u leh muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka soo qaxay dagaalada ka socda wadanka Ukraine, kuna sugan dalalka Poland, Romania iyo Serbia.  

Madaxda Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Beljimka ayaa sidoo kale xafiis adeeg qunsuliyadeed oo kumeel gaar ah ka samaysay soohdinta xiriirisa wadamada Poland iyo Ukraine ee loo yaqaan xarunta qaabilaadda Hala Kijowska (Hala Kijowska Reception Center) ee Magaalada Warsaw.

"Inta la xaqiijiyay ilaa afartan muwaadin oo Soomaali ah ayaa si nabadgelyo ah ku gaaray dalka Romania, islamarkaana afar kale ay gaareen dalka Germany, halka 7 kalana la sheegay iney gaari doonaan dalka Poland marka la hubiyo dukumintiyada xaqiijinaya dhalashadooda" ayaa lagu yiri warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Warsaxafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale lagu sheegay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Belgium inay u fududeysay 24 muwaadin inay ku helaan dukumintiyada dhalashada muddo 24 saac gudahooda.

Dowladaha martigelinta samaynaya waxa ay soo dhowayn doonaan ardayda Soomaaliyeed ee gaaraysa dalalka Romania, Hungary iyo Serbia ee danaynaya inay sii wataan waxbarashadooda. Soomaaliya waxa ay ardayda u fidin doontaa adeegyo qunsuliyadeed , halka dalalka martigelinaya ay bixin doonaan taageerada kale ee la doonayo.

Warsaxafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa gabagabadii waxaa lagu booriyay ardayda Soomaaliyeed ee ka soo qaxday wadanka Ukraine ee danaynaya in waxbarashadooda sare sii wataan inay la xiriiraan masuulka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ugu xilsaarran arrinkaasi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online