5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 4 , 2022
Guddiga Doorashada Puntland oo shaaciyay Magacyada Musharaxiinta ku tartameysa 16 kursi ee Boosaaso lagu dooranaayo
 

Jimco, Maarso, 4, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Puntland ayaa shaaciyay liiska magacyada Musharaxiinta ku tartameysa 16 kursi oo doorashadooda taalo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Guddiga ayaa soo bandhigay magacyada 32 musharax oo dooneysa iney u tartamaan 16 kursi oo ka mid
ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Boosaaso, kuwaas oo 12 ka mid ah ay dumar yihiin.

Maalmaha Sabtiga iyo Axada oo ay taariiqdu ku kala beegan tahay 5 iyo 6-da bishaan Maarso ayaa lagu wadaa iney dhacdo doorashada 16-ka kursi ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso magacyada Musharaxiinta ku tartameysa 16-ka kursi ee Boosaaso lagu dooranayo.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online