5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 4 , 2022
Pakistan: Qarax lala beegsaday masaajid oo ay dad badan ku dhinteen

Jimco, Maarso, 4, 2022 (HOL) - Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay 50 kalena way ku dhaawacmeen qarax lala beegsaday masaajid Shiicadu leedahay oo ku yaala magaalada Peshawar ee dalka Pakistan salaadi Jimcaha.

Masaajidkan oo lagu magacaabo Kucha Risaldar, ayuu qaraxu gilgilay xili dadku masaajidka kusii qul qulayeen si ay ugu tukadaan salaada Jimcaha, Shayan Haider oo kamid ahaa dadkii isku diyaarinayay in ay maasijdka galaan, ayaa Aljazeera u sheegay in qaraxu uu laamida ku tuuray isagoo doonaya in uu masaajidka galo.

"Markaan indhaha kala qaaday meelkasta waxaa ka buuxay boodh iyo maydad" ayuu yidhi.

Sida Outlookindia ku warrantay madaxa booliiska Peshawar Ijaz Ahsan ayaa sheegay in qaraxa ka hor ay laba weerar yahan oo doonayay in ay galaan masaajidka, ay toogasho ku dileen askari booliis ah oo taagnaa afaafka hore ee masaajidka, isla markaana ay si xun u dhaawaceen mid kale.

10 kamid ah dadka qaraxa ku dhaawacmay ayay xaaladoodu halistahay, sida Geo News sheegtay.

Raysal Wasaaraha Afghanistan Imran Khan ayaa cambaareeyay qaraxa.

Gobolkan oo ku yaala xadka u dhexeeya Afghanistan iyo Pakistan, ayay hore uga dhaceen qaraxyo dhibaatooyin badan gaystay. Ma jirto cid ilaa hada sheegatay masuuliyada qaraxa.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online