5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 4 , 2022
Ciidamada Ruushka oo duqeeyay Warshadda Tamarta Nukliyeerka ee ugu weyn Yurub
 

Jimco, Maarso, 4, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya dalka Ukraine ayaa sheegaya in Warshada tamarta Nukliyeerka ee ugu weyn Yurub ee Zaporizhzhia iney gubatay subaxnimadii hore ee Maanta oo Jimca ah kadib markii ciidamada Ruushka ay ku qaadeen weerar, sida uu warbaahinta u sheegay duqa magaalada Enerhodor.

Warshaddaan gubatay ayaa aheyd mid sameysa 25% awoodda korontada dalka Ukraine, waxayna ku taalaa daanta webiga Dnieper oo 700 oo kiilomitir koofur bari kaga beegan magaalada caasimadda u ah wadanka Ukraine ee Kyiv.

"Natiijada duqeymaha joogtada ah ee cadowga ee dhismayaasha iyo cutubyada warshadda tamarta nukliyeerka ee ugu weyn Yurub, ee Zaporizhzhia ayaa gubaneysa" ayuu yiri Duqa magaalada Dnieper Dmytro Orlov.

Ciidamada Ruushka ayaa la sheegay iney beegsadeen xarunta Warshada Tamarta, iyagoo gantaal ku dhiftay mid ka mid ah lixda qeybood ee warshadda ka kooban tahay, inkasta oo warar kale ay sheegayaan in dabku uu ka bilowday meel ka baxsan xayndaabka dhismaha.

Afhayeen u hadlay warshada oo lagu magacaabo Andriy Tuz ayaa u sheegay telefiishanka Ukraine in dab dhaliyaha gubanaya uu ahaa mid uu dayactir ku socday oo aanu aheyn mid shaqaya, Tuz ayaa sidoo kale Wakaaladda wararka AP  u sheegay inay aheyd in si degdeg ah dabka loo damiyo, laakiin waaxda dab damisku ay u dhawaan weysay warshadda.

Dagaalka u dhaxeeya wadamada Ruushka iyo Ukraine ayaa tan iyo markuu bilaawday todobaadkii lasoo dhaafay waxa uu geystay khasaarooyin kala duwan oo naf iyo maal intaba leh, islamarkaana dadka ku barakacay ay kor u dhafeen in ka badan halmayan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online