5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 4 , 2022
Madaxweynaha Maamulka Puntland oo dib u magacaabay Agaasimahii PSF ee Puntland
 

Jimco, Maarso, 4, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray wareegto uu xilal ugu magacaabay Sareeyo guuto Maxamed Amiin Cabdullaahi Xaaji Kheyr iyo Sareeyo guuto Maxamuud Cismaan Diyaano.

Madaxweyne Deni ayaa aqbalay dalabkii Isimada gobolka Bari ee isku howlay dhexdhexaadinta ciidamo ka kala amar qaata madaxweynaha Puntland iyo Agaasimaha ciidanka gaarka u tababaran ee PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

Isimada magaalada Boosaaso ayaa la sheegay iney xal u arkeen in Diyaano loo dhaafo xilka Agaasimaha PSF balse Siciid Deni ayaa diiday go’aankaas, wadahadal maalmo qaatay kaddib waxaa madaxweynaha Puntland lagu qanciyay in uu dhaqangeliyo go’aanka Odoyaasha dhaqanka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Magacaabistaan cusub ee Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa imaaneysa xili horay ay u dhaqan gali waysay xilka qaadis uu ku sameeyay madaxweynaha Puntland, taasoo dhalisay in dagaalo dhiig badan ku daateen uu Boosaaso ku dhexmaray ciidamo u daacad ah Maxamuud Diyaano iyo maamulka Puntland.

Hoos ka akhriso wareegtada madaxweyne Saciid Deni oo dhameystiran.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni.

Kadib markii uu qiimeeyey xaaladda amni iyo dhaqan dhaqaale ee Magaalada Boosaaso.
Kadib markii uu la tashaday Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland.

Kadib markii uu la tashiyo la sameeyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, Isimada, Madaxweynayaashii hore, Waxgaradka iyo hay’adaha kala duwan ee Dowladda Puntland.

Kadib markii uu tixgaliyey dadaaladdii kala duwanaa ee muddada ka socday Magaalada Boosaaso ee ku wajahnaa xal u helista shaqaaqadii ka dhacday Magaalada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 009 , 04 March 2022, wuxuuna xeeriyay:-

1. Waxaa S/Guuto Maxamed Aamiin Cabdullaahi Xaaji Khayr loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka gaarka ah ee Sirdoonka Puntland (Puntland Intelligence Special Forces).

2. Waxaa S/Guuto Maxamuud Cismaan Cabdullaahi loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka Kommandooska Amniga Puntland (Puntland Security Commando Forces).

Si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda Dalka u dagsan, dib ayaa laga soo saarayaa xeer nidaamiye qeexiya kala xadeynta waajibaadka guud ahaan ciidamada kala duwan ee Puntland.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online