5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 4 , 2022
Shir looga hadlaayo arrinta deegaan doorashada labaad ee Jubbaland oo ka furmay magaalada Kismaayo
 

Jimco, Maarso, 4, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa daahfuray kulankii ugu horeeyay ee guddiga uu Raysal wasaare Rooble u magacaabay qiimeynta xaalada deegaan doorashada labaad ee maamulka Jubbaland oo ah magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Kulankaan ayaa u dhaxeeyay guddiga qiimeynta xaalada deegaan doorashada Garbahaareey iyo masuuliyiinta maamulka Jubbaland ee kasoo jeeda magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Wakiilada labada gole ee maamulka Jubbaland iyo xubno ka tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa gudidga qiimeynta u gudbiyey warbixin soo koobeeysa caqabadaha ku xeeran in doorasho lagu qabto deegaan doorashada labaad Magaalada Garbahaareey ee Xarunta gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya iyo xaaladda amni ee ka jirta degmadaasi.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in latashiyo ku aadan xaaladda Garbahaareey ay yeesheen, isla markaana ay doonayaan in Magaaladaas ka dhacdo doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee taalla, isagoona sheegay in guddiga qiimeynta ay ku wareejin doonaan Dukumeentiyo ay ka qoreen caqabadaha hortaagan in doorashado lagu qabto degmada Garbahaareey.

Degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo oo ah deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ayaa waxaa taala 16 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo ay maamulka Jubbaland, waxaana xusid mudan in maamulka Jubbaland horay u sheegeen ineysan suurtagal aheyn in doorasho ka dhacdo degmadaasi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online