5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 4 , 2022
Faysal Cali Waraabe: Soomaaliya dadka ayaa lagu iibiyaaye maad maqasheen dad la iibinayo
 

Jimco, Maarso, 4, 2022 (HOL) - Guddomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo ka hadlay falcelinta baraha bulshada ee inan ku andacootay in dhalashada Somaliland loogu diiday haybteeda awgeed, ayaa yidhi "Somaliland xumaanteedu way muuqataa, Soomaaliya-na ma muuqato".

Faysal ayaa sheegay in Somaliland ay noqotay meel markasta oo wax yari ka dhacaan ay Soomaalida baraha bulshada isticmaashaa aad ugu mashquusho, isagoo sheegay in dhacdo kasta oo aan fiicnayn oo Somaliland ka dhacdaa ay aad u muuqato, xaga kuwa Soomaaliya ka dhaca ayna muuqan.

"Somaliland waxay noqotay mowduuc Soomaalidu ka hadasho, Somaliland uun baa laga hadlaa, waxan maqlayay inan ayaa dhalasho loo diidaday, barigii hore waan ka xanaaqi jiray oo waxan odhan jiray waar maxaa dadka dusha idinka saaray, lakin hada waxan ogaaday, show inagu waxaynu nahay maracad oo xariir ah oo xumaanta ayaynaan qarsan" ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay dalacsiiso danbiilayaasha, oo ayna ka daba tagin dacwadaha dhibanayaasha waxyeeladu soo gaadhay.

"Dad nadiifa ayaynu nahoo wixii yaraa ee qalad ahba wuu muuqanayaa, bal wakaase Xamar dadka ayaa lagu iibiyaaye maad maqasheen dad lagu iibinayo, inan ayaa dhalasho loo diiday ayaa la yidhee tii la xabaalay maa la hayaa raqdeedi, dadkii loo hayay xildhibaano ayay noqdeen oo way ku dalaceen" ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa ku baaqay in hadii wax khaldani jiro la saxo oo inanta dhalashadeeda lasiiyo. Dhinaca kale, Dowlada Hoose ee Hargaysa oo ka jawaabtay cabashada Ayaan Cabdiwali, ayaa sheegtay in Ayaan anay marin wadadii sharciga ahayd ee ay ku heli lahayd dhalashada, isla markaana ay ka been abuurtay xogteeda shakhsiga ah, hadii ay wado saxa soo martana lasiin doono.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]