7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 30, 2022
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya: Mareykanka wuxuu ixtiraamayaa midnimada dhuleed ee Soomaaliya ee soo bilaabatay 1960

Arbaco, Maarso, 30, 2022 (HOL) - Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre ayaa sheegay in dalkiisu uu ixtiraamayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ee soo billaabatay 1960.

Wareysi uu siiyay laanta Afka Soomaaliga ah VOA-da, ayuu Andre ku sheegay in dowladda Mareykanka ay ku adkeysaneyso inay Somaliland kula macaamiloonayso iyadoo la ilaalinayo siyaasada Soomaaliya.

Andre oo wax laga weydiiyay safarkii madaxweynaha Somaliland uu ku tagay dalka Maraykanka, wuxuu beeniyey hadal ka soo yeedhay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore oo ahaa in madaxweyne Muuse Biixi uu martiqaad rasmi ah ka helay dowladda Maraykanka.

safiirka Maraykanka wuxuu sheegay Muuse Biixi inuu go'aankiisa ku tagay dalka Maraykanka. Wuxuuna meesha ka saaray in wax martiqaad ah lagu casuumay.

Guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka Congress-ka Mareykanka, ayaa dhawaan codsaday in Maraykanku uu kordhiyo xiriirka kala dhaxeeya Somaliland ee ku saabsan arrimaha diblomaasiyadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online