7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 30, 2022
Hargaysa: Maxkamada Gobolka Maroodijeex oo wariye xukun ku riday
 

Arbaco, Maarso, 30, 2022 (HOL) - Maxkamada Gobolka Maroodijeex, ayaa xukun hal sanno oo xadhig ah iyo hal milyan oo shilling ka Somaliland ah oo ganaax ah ku riday wariye Axmed Qani Xirsi, oo ka howlagala muuqbaahiyaha Star, kadib qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook.

Axmed Qani ayaa loo haystaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook, oo maxkamadu ku tilmaantay been abuur, waxaanu xabsiga ku jiray muddo bil ah, iyadoo lasoo xidhay 23 bishii February.

Urrurka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa cambaareeyay, xadhiga wariyaha, qoraal lagu baahiyay boga Facebook ga ee urrurka, ayaa lagu sheegay in talaabadani warbaahinta ka hor istaagayso in ay tabiyaan wararka.

"Urrurka  Suxufiyiinta Somaliland  waxa  uu  aad  uga  xunyahay  xukunka  lagu  riday  wariye  Axmed Qani  kaas  oo  keenaya  Isla Markaasna  ka  hor istaagaya  in  saxafiyiinta  ay  ku dhiiradaan  tabinta wararka  iyo  xogaha  kale   ee  ay   u  gudbinayaan  bulshada", ayaa lagu yidhi qoraalka SOlJA.

Urrurka suxufiyiinta ayaa hay'adaha sharciga usoo jeediyay in wariyaha xoriyadiisa loo soo celiyo, iyaga oo ku baaqay in xadhiga wariyayaasha loo maro wado sharciga waafaqsan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online