7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 30, 2022
Safaaradda Mareykanka ee Kenya oo sheegtay inaysan aqoonsanayn dukumeentiyada Soomaaliya
 

Arbaco, Maarso, 30, 2022 (HOL) - Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa sheegtay inaysan aqoonsanayn dukumeentiyada Soomaaliya lagasoo qaato ee ay bixiso dowladda Soomaaliya.

Soomaali badan oo xaraystay barnaamijka baqtiyaa-nasiibka ee loo yaqaano Lottery, ayay arrintaan saameyn ku yeelatay, kuwaas oo dib loogusoo celiyay qoraallo loogu sheegayo in Safaaradda Mareynkanka ee Nairobi aysan aqoonsanayn dekumentiyadooda.

Arrintaan waxay sidoo kale saameyn ku yeelatay dadka u safraya arrimo caafimaad, ardayda iyo qoysaska doonaya inay dib u midoobaan.

“Waan ka xunnahay, laakiin tani sideedii ayay ahaan doontaa illaa aan ka helno macluumaad ah in siyaasaddan wax laga beddelay," ayay tiri safaaradda Mareykanka ee Nairobi.

Arintaan ayaa kusoo beegantay xilli kumanaan Soomaali ah ay sannadkii hore xaraysteen barnaamijka Lotteryga, iyagoo  doonaya inay Mareykanka ku galaan, haddii nasiibkoodu uu saacido.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online