7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 30, 2022
Guddoomiye Gaduudoow "Wiilkeyga oo labaatan jir ah ayaa ku dhintay qaraxa aniga iyo askari ilaaladeyda ahna waan ku dhaawacanay"

Arbaco, Maarso, 30, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo Xalay ka dhacay agagaarka hoyga uu ka dagan yahay degmada wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose guddoomiye ku xigeenka amniga degmada wanlaweyn ee gobolkaasi Cabdullaahi Gaduudoow.

Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa miino nooca meelaha fogfog laga hago ayaa dhacay daqiiqado kooban kadib markuu gurigiisa galay guddoomiye Gaduudoow, waxaana ku dhintay qaraxaasi wiil uu dhalay guddoomiyaha, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay askari ka mid ah ilaaladiisa.

"Miinada gurigeyga meel bannaankiisa ah ayaa la dhigay, markii aan guriga galay ee aan sariirteyda aaday ayay qaraxday, wiil aan dhalay oo 20 jir ah ayaa ku dhintay waxaana ku dhaawacmay mid kamid ah ilaaladeyda, Aniga xitaa waxaa isoo gaaray dhaawac oo waan fiicanahay mana jirto cid aan ku tuhmaayo ama na dhexmaray hadal dhibaato dhalin kara” ayuu yiri guddoomiye Gaduudoow.

Guddoomiye Cabdullaahi Gaduudow oo Saakay la hadlay BBC-da ayaa sheegay in qaraxa uu dhaawac fudud kasoo gaaray naf ahaantiisa oo lala tacaalayo xaaladdiisa Caafimaad.

Ciidamada amniga degmada Wanlaweyn ayaa qaraxa kadib howlgalo ka sameeyay xaafada uu ka dagan yahay degmadaasi guddoomiye ku xigeenka amniga degmada Wanlaweyn, walow aysan jirin cid ay kusoo qabqabteen howlgalkaasi, Wanlaweyn waxaa inta badan ka dhaca qaraxyo miino oo lala eegto masuuliyiinta ka tirsan maamulka degmadaasi ee gobolka Sh/hoose.
    
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online