7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 30, 2022
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo maanta la filayo inuu ansixiyo oggolaanshaha howlgalka ATMIS ee Soomaaliya
 

Arbaco, Maarso, 30, 2022 (HOL) - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa kulankooda maanta 30-ka Maarso, inuu ku ansixiyo waajibaadka iyo oggolaanshaha howlgalka ATMIS.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa lagu bedelayaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) 1-da Abriil, sida ay go'aamiyeen Midowga Afrika (AU), Qaramada Midoobay (UN) iyo dowladda Soomaaliya.

Howlgalka cusub ayaa dhammaan doona sanadka 2024-ka, iyadoo wixii ka dambeeyana dhammaan mas’uuliyadda lagu wareejin doono ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in ATMIS uu xoogga saaro hirgelinta Qorshaha kala guurka ee Soomaaliya.

Qorshahan ayaa la sameeyay 2018-kii si mas’uuliyadda amniga looga wareejiyo AMISOM laguna wareejiyo ciidamada ammaanka dalka. Qorshahan ayaa dib loo eegay waxaana la fulin doonaa saddexda sano ee soo socota, sida ku cad heshiiska Soomaaliya iyo golaha midowga Afrika.

Bankole Adeoye, oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga, ayaa sheegay in howlgalka ATMIS uu si buuxda ula jaanqaadi doono Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa sheegay waajibaadka shaqo ee ATMIS inuu noqondoono la dagaalanka al-Shabaab, sugidda amniga, horumarinta tayada ciidamada ammaanka, cadaaladda iyo taageeridda nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online