7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 30, 2022
Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka gobolka Ontario ee dalka Canada oo ka horyimid Soomaali dalkaas laga soo tarxiilayo
 

Arbaco, Maarso, 30, 2022 (HOL) - Xildhibaan Faysal Xasan oo ka tirsan xildhibaannada xisbiga mucaaradka ah ee NDP, ayaa kasoo horjeestay tallaabo dowladda Canada ku tarxiilayso Soomaali ku nool dalkaas.

Dowladda Canada ayaa sheegtay inay dalkeeda ka musaafurinayso Soomaali lagu eedeeyay inay ka been sheegeen aqoonsiyada ay ku joogaan dalkaas.

Tarxiilkaan ayaa saamayndoona ku dhawaad shan boqol oo qof, waxaana sabab u tahay sida xildhibaanku sheegay, in dadkan markii hore ay dalkaas ku galeen dukumentiyo aan ka turjumen halka saxda ah ee ay ka soo jeedaan.

"Arrin khaldan weeye, ma ahan in la celiyo, dad inaga mid ah weeye, waddanka dad buu u baahan yahay, welina dalkeeda wuxuu leeyahay waxaan u baahanahay dad da'da yar, aqoonta fiican leh, dadka waa dad yar oo aqoon fiican, xilliggii safmarka waxay ahaayeen dadkii qabanayay shaqadii loo baahnaa marka dadku ay aqaladooda joogeen" ayuu yiri Xildhibaan Feysal.

Laga bilaabo sanadkii 2015 waxaa soo badanayay tirada Soomaalida ah ee laga musaafurinayo Canada, tirada Soomaalida laga soo tarxiilayo Canada ayaa sanadkii 2020 gaartay 61, halka sanadkan ay gaari karto 77 qof.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online