5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 3 , 2022
Guddiga doorashada koonfur Galbeed oo qabtay doorashada lix kursi oo aqalka hoose ah


Khamiis, Maarso, 3, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee koonfur galbeed ayaa maanta qabtay doorashada lix kamid ah kuraasta aqalka hoose ee lagasoo doorto Koonfur Galbeed.

Kursiga ugu horreeyay ee doorashada waxaa ku guulaystay Aadan Maxamed Cali, oo ku tartamayay Hop-253 ee xubinnimada Golaha Shacabka Soomaaliya, isagoo helay codad gaaraya 70-cod halka Cabduqaadir Ibraahim Buule oo la tartamayay uu heley 21-cod.

Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa isna ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-178 ee xubinnimada aqalka hoose. Waxa uu helay 70 cod, halka musharaxii la tartamayay Bile Xasan Cabdi uu heley 25 cod.

Axmed Sheikh Maxamed (Mashruuc) ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-50 ee xubinnimada Golaha shacabka Soomaaliya. Wuxuu doorashada ka helay 97 cod, halka musharaxii la tartamayay Maxamed Ibraahim Aadan uu heley  14-cod

Jaamac Taqal Cabaas ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-230 ee Xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 77-cod, Cabdi Cali Cumar uu doorashada ka helay  23-cod

Muqtaar Maxamed Guuleed ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-183  ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 83,  halka musharaxii la tartamayay Xuseen Cali Aadan uu heley 16-cod.

Ismaaciil Iidow Maxamed ayaa ku guulaystay kursiga sumadiisu tahay  Hop- 275. Wuxuu doorashada ka helay codad gaaraya 71 cod. Wuxuu ka guulaystay Cabdisitaar Xasan Cali oo ergada doorashadaa ka helay 16-cod.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa inuu noqdo maamulka ugu horrreeya ee soo gabagabeeya doorashada aqalka hoose, waxaana haatan harsan kuraasta kooban oo kaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online