5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 3 , 2022
Cumar Cabdirashiid oo ku tilmaamay doorashada kuraasta Golaha Shacabka mid aan sax aheyn
 

Khamiis, Maarso, 3, 2022 (HOL) - Raysal wasaarahii hore ee dalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa si faahfaahsan uga hadlay xaalada doorashooyinka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya.

Cumar Cabdirashiid oo wareysi dhinacyo badan taabanaayay siiyay Shabakadda Hanoolaato ayaa sheegay in doorashooyinka Golaha Shacabka ee xiligaan sida habsamida leh uga socda deegaanada maamul goboleedyada dalka iney yihiin kuwa aan sax aheyn.

Sharmaake ayaa sidoo kale tilmaanay in madaxda maamul goboleedyada dalka ay mudo laba sano ah iska daba wareejinayeen doorashada haatan socoto, islamarkaana ay ka dhigeen mid boob ah.

"Horta dadka doorashada kusoo baxay waa dad waqti badan dalka soo joogay oo xaalada la socda eedna kuma lahan in kursiga loo boobay ee kii u boobay ayaa loo heystaa, waxaa jira dad eedo kala duwan loo heysto oo Baarlamaanka kujira waase kooban yihiin" ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Waxuu sidoo kale sheegay in doorashada haatan socota ay tahay mid xulasho ah oo aanan lagu tilmaami karin doorasho sax ah, isagoona tilmaamay in madaxda maamulada kursiga ay u xiraan qofka ay rabaan, islamarkaana ay u keenaan qof malxiis u noqdo.

Hadalkaan kasoo yeeray Cumar Cabdirashiid ayaa kusoo beegmaya xili doorashada socota ee kuraasta Golaha Shacabka ay hareeyeen cabashooyin aad u xoogan oo la xariirta habka ay u socoto doorashada oo lagu tilmaamay mid boob ah.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online