5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 3 , 2022
Ciiddan beeleed gadoodsan oo ku hanjabay inaysan doorasho ka dhacayn Gaalkacyo

Khamiis, Maarso, 3, 2022 (HOL) - Ciiidan beeleed ku sugan Gaalkacyo ayaa ku hanjabay in aysan doorasho ka dhicidooni magaalada Gaalkacyo, iyagoo kasoo horjeeda in doorashada laga reebay taliyhii hore ee ciiddanka xoogga, Daahir Indho-qarshe.

Ciiddankaan oo isku aruursaday duleedka Gaalkacyo ayaa sheegay inay la wareegidoonaan goobta doorashada, haddii uusan madaxweynaha Galmudug ka laaban go'aanka uu kursiga beeshooda kaga dhigay Qoondada dumarka.

Saraakiisha ciiddankan waxay sheegeen in dulmi lagula dhaqmay Indha-qarshe, iyagoo sheegay in beeshiisu ay siisay kursiga, balse uu madaxweynaha Galmudug kursiga ku dhigay qoondo dumar si uu caddaadiska beesha caalamka isaga yareeyo.

Madaxweynaha Galmudug ayaa la filayaa inuu tago magaalada Gaalkacyo si uu xal uga gaaro arrimaha doorashada, iyadoo laga cabsi qabo in goobta doorashada ay weeraradaan maleyshiyaad ka caraysan in kuraasta beelahooda la boobay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online