Hiiraan Online
12/17/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 3 , 2022
Soomaaliya iyo Jabuuti oo codeeyay qaraar lagu cambaareynayo Ruushka
Khamiis, Maarso, 3, 2022 (HOL) - Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ka mid noqday 141-ka wadan oo caalamka katirsan, kuwaas oo u codeeyay qaraar lagu cambaareynayo duulaanka Ruushka ku qaaday dalka Ukraine.
Codeynta ayaa dhacday xilli uu socday kalfadhi gaar ah oo ay yeesheen golaha guud ee QM.
Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa dalbaday in si degdeg ah dhammaan ciidamada Ruushka looga saaro dhulka Ukraine.
Afar waddan ayaa Ruushka ku biiray codeynta ka dhanka ah qaraarka, waxayna kala yihiin - Belarus, North Korea, Eritrea iyo Syria, halka 35 waddan oo kalena ay ka aamuseen cambaaraynta qaraarka.
Imaaraatka Carabta iyo Israa’iil oo ah labada saaxiib ee Mareykanka oo horey loogu dhaliilay inay diideen inay ka hadlaan duulaanka Ruushka, ayaa sidoo kale doortay inay u codeeyaan qaraarka.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]