7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 29, 2022
Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada oo sheegay inay 25 dacwo ka diiwaan galiyeen kuraastii la doortay
 

Talaado, Maarso, 29, 2022 (HOL) - Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada heer federal ee Soomaaliya, ayaa sheegay inay golaha wadatashiga qaran u gudbindoonaan 25 dacwo oo ay ka diiwaan galiyeen kuraasta doorashooyinka dad ban ee lasoo gabagabeeyay.

Guddiga waxay sheegeen inaan la dhayalsan karin dacwadahan, iyagoo sheegay inay muujinayaan xuquuqo badan oo lagu tuntay oo ay kamid yihiin, is hor istaag lagu sameeyay musharraxiin, qoondada dumarka oo aan la buuxin iyo kuwo kale oo badan.

War-saxafaaddeed ay soo saareen guddiga xalinta khilaafaadka waxay sheegeen inay sugayaan inta lagasoo gabagabaynayo doorashooyinka kuraasta taala jubbaland iyo Hirshabeelle.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online