7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 29, 2022
Somaliland iyo Taiwan oo kala saxeexday mashruuc lagu horumarinayo xogta isbitaalada
 

Talaado, Maarso, 29, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland iyo Taiwan, ayaa kala saxeexday mashruuc lagu horumarinayo xogta isbitaalada oo ku kacaya 4 milyan oo dollar.

Mashruucan oo hab dhijitaal ah loogu badalayo kaydka xogta isbitaalada ayaa laga hirgalin doona isbitaalada magaalooyinka Hargaysa, Borama, Burco, Gabilay iyo Berbera, waxaana wajigiisa kowaad laga bilaabi doona Isbitaalka Wayn ee Hargaysa.

"Somaliland iyo Taiwan ayaa kala saxeexday heshiiska mashruuca iskaashiga horumarinta xogta cisbitaalada oo laga hirgalin doono qaybtiisa ugu horaysay cisbitaalka dowlada ee hargeysa," ayaa lagu yidhi qoraal lagu baahiyay boga Facebook ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland.

Heshiiska ayaa waxaa qalinka ku guuday wasiir ku xigeenka caafimaadka Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan iyo wakiilka Taiwan u fadhiya Somaliland Amb Allen lou.

Taiwan ayaa Somaliland ka gacan siinaysa sidii hab dhijitaal ah loogu badali lahaa xogta xafiisyada dowlada, iyadoo horay ay gacan uga gaysatay in nidaamka xogta ee xafiisyada dowlada iyo dowladaha hoose loo badalo dhijitaal.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online