7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 29, 2022
Wasiirka duulista Soomaaliya oo ka qeyb-galaya shirka dowladaha adduunka ee ka socda magaalada Dubai

Talaado, Maarso, 29, 2022 (HOL) - Shirka dowladaha adduunka ee ka socda magaalada Dubai ee waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa galay maalintiisii labaad, iyadoona shirka looga hadlayo caqabadaha ka taagan adduunka iyo xalka suurtagalka.

Shirka waxaa ka qeyb-galaya in ka badan 4,000 oo qof oo ka kala socda 190 waddan. Waxaana ka qeyb-galayaasha kamid ah hoggaamiyaal, saraakiisha sarsare ee dawladdaha, madaxda ururada caalamiga ah, iyo khubaro caalami ah.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawadda xukuumadda Soomaaliya Mudane Durraan Axmed Faarax, ayaa kamid ah xubnaha sannadkan ka qeyb-galaya kulanka, isagoona sheegay in si dardar leh ay u socoto doodo looga arrinsanayo kor u qaadista hal abuurka dawladaha, si ay ula jaan qaadan isbeddalada caalamiga ah.

Wasiirka ayaa sheegay in qorshaha is-waafajinta duullimaadyadda rayidka ah iyo amniga caalamiga ee maanta la soo bandhigay uu wax badan ka tari doono badqabka duullimaadyadda rayidka ah.

Shirka waxaa kale looga doodayaa siddeed mawduuc oo waaweyn, oo ay ku jiraan dhismaha magaallooyinka mustaqbalka; joogteynta waxqabadka wanaagsan; xoojinta adkeyga bulshada; awood-siinta waxbarashada iyo shaqada mustaqbalka; dardar-gelinta soo-kabashada dhaqaalaha caalamiga ah; horumarka siyaasadaha & midka dawladeed iyo dejinta mustaqbalka nidaamyada daryeelka caafimaadka.

Balaayiin dad ah ayaa ku tiirsan rajada istaariijiyada, hal abuurka iyo xalka ay bixiyaan dawladuhu si ay u wajahaan caqabadaha hadda jira iyo kuwa mustaqbalka.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]