7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 29, 2022
Puntland oo gacanta ku dhigtay Doonyo kalluumaysi sharci darro ah ka waday xeebaha Puntland
 

Talaado, Maarso, 29, 2022 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay Doonyo laga leeyahay dalalka shisheeye, kuwaas oo si sharci darro ah uga kalluumaysanayay xeebaha gobolka Bari.

Qabashada Doonyahan ayaa ka dambeysay kadib markii Ciidamada Badda  Puntland ee PMPF ay howlgal ka sameeyeen xeebaha degmada Xaafuun ee gobolka Bari, sida lagu sheegay war-saxaafaddeed kasoo baxay taliska PMPF.

Puntland ma sheegin tirada Doonyaha ay gacanta kusoo dhigtay iyo dalalka laga leeyahay. Waxaase inta badan Doonyaha kalluumaysiga ka wada xeebaha Puntland ay u badan yihiin kuwa laga leeyahay Yemen iyo Iiran.

Bishaan horraanteeda, ciiddanka badda Puntland ayaa sidoo kale soo qabtay Dooni si sharci darro ah uga kalluumaysanaysay xeebaha Puntland.

Doontan ayaa wadatay Ruqsad kalluumaysi oo dhacday.

Kalluumaysiga sharci darrada ah ee xeebaha Puntland ayaa saameyn ku yeeshay kalluumaysatada deegaanka, kuwaas oo dhibbane u noqday Doonyaha iyo maraakiibta shisheeye ee mar walba gurta kheyraadka badda.

Waxay haystaan qalab casri, kuwaas oo u suuro galinaya inay si fudud ku gurtaan kheyraadka badda ku jira, sidoo kalena waxay dhibaato u geystaan qalabka kalluumaysta deegaanka, iyagoo ka jarjara shabaakadahooda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online