7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 29, 2022
Madaxweyne Laftagareen oo qaabilay khabiirka madaxa-banaan ee QM u qaabilsan xuquuqul insaanka Soomaaliya

Talaado, Maarso, 29, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren, ayaa maanta magaalada Baydhabo kula kulmay wafdi ay hoggaamineysay khabiirka madaxa-banaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha xuquuqul insaanka ee Soomaaliya, Isha Dyfan.

Kulanka waxaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin abaaraha, biyo la’aanta, xaquuqda aadanaha iyo xuriyatul qowlka.

Madaxweyne Cabdicasiis oo ay wehlinayeen lataliyayaashiisa iyo agaasimaha madaxtooyada, ayaa warbixin guud ka bixiyay xaaladdaha abaaraha iyo xaquuqda aadanaha ee deegaannada maamulka Koonfur-Galbeed.

Khabiirka madaxa-banaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha xuquuqul insaanka ee Soomaaliya, Isha Dyfan, ayaa shalay magaalada Muqdishu kulan kula yeelatay wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha garsoorka JFS mudane Avv. Xasan Xuseen Xaaji.

Wasaaradda ayaa warbixin ka siisay xeerarka xuquuqda aadanaha, horumarada laga sameeyey iyo sharciyada quseeya xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.

Isha Dyfan, ayaa booqashadeedii ugu horreysay ee rasmi ah ku timid dalka Soomaaliya 28-ka Maarso, iyadoona joogi doonta illaa 2-da Abriil 2022-ka.

Golaha Xuquuqul Insaanka ayaa sanadkii 2020 u magacaabay Isha in ay noqoto khabiir madax-banaan si ay u qiimeeyso, ula socoto, ugana warbixiso xaaladda xuquuqul insaanka ee Soomaaliya, iyadoo ujeedadu tahay inay soo jeediso tallooyin ku saabsan kaalmada farsamo iyo tayeynta dhinaca xuquuqul insaanka.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]