7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 29, 2022
Shil khasaare nafeed gaystay oo ka dhacay magaalada Burco
 

Talaado, Maarso, 29, 2022 (HOL) - 2 qof ayaa ku nafwaayay  4 kale oo 2 dhaawac culus yihiina way ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay afaafka hore ee hotel Plaza ee magaalada Burco.

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Burco, DR Maxamed Faarax, ayaa HCTV uga warbixiyay shilka, isagoo sheegay in uu shilku dhacay kadib markii ay isku dhaceen baabuur wayn iyo Bajaaj, marayay wadada wayn ee bari uga baxda magaalada Burco.

"Waxaa shil naxdin lihi ka dhacay agagaarka Plaza, oo ay is galeen gaadhi wayn iyo Tik, waxaa ku wax yeeloobay 2 qof oo dhimasho ah iyo 4 dhaawac ah, 4 ta dhaawaca ah 2 kamid ah xaaladoodu way culustahay, waaa geeri naxdin leh Alle ha u naxariisto dadka dhintay" ayuu yidhi DR Maxamed.

Agaasimaha ayaa dirawaliinta ku eedeeyay masuuliyad daro "Waxaanu aad uga xunahay masuuliyad darada dirawaliinta iyo Tikaha wadada siday doonaan u maraya, ee bini adamkii lagu khamaarayo aad baanu uga xunahay runtii".

Shilalka ayaa guud ahaan Somaliland nafo badan galaafta sannadkasta, waxaana jira dadaalo xukuumadu ku doonayso in ay ku yarayso khasaaraha, wasaarada gaadiidka ayaa wada qorshe dadka loogu qasbayo in ay xidhaan suunka baabuurka, iyo barnaamij kale oo baabuurta safarada u baxda loogu xidhayo GPS lagu xakameeyo xawaarahooda.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online