7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 29, 2022
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in 348 muwaadiniin Soomaaliyeed oo xayirnaa ay si nabad ah uga baxeen Ukrain
 

Talaado, Maarso, 29, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la sii daayay saddex boqol iyo afartan iyo siddeed qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ku xayirnaa dalka Ukraine iyo xuduudaheeda oo ay ku jiraan qaar waraaqo la’aan ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inay fududeysay in lixdan iyo shan arday lagu meeleeyo xarumaha tacliinta sare ee dalka Hungary kadib markii ay iska diiwaan geliyeen daneyntooda Wasaaradda waxbarashada ee dalkaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxay ku boorrisay ardayda Soomaaliyeed ee iska diiwaan gelisay inay wax ku bartaan dalka Ukrain, isla markaana ay doonayaan inay waxbarasho sare ka sii wataan meel ka baxsan dalka Ukraine ay is-diiwaangeliyaan fooman ay kusoo bandhigtay wasaaraddu baraheeda internetka.

Kadib markii dalka Ukrain uu galay qalalaase dagaal, boqolaal Soomaali ah oo u badan arday waxbarasho u joogay dalkaas ayaa ku gu’doomay colaadda dalkaas ka aloosan.

Haddase waxay u muuqataa in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku guulaysteen inay dalkaas ka baxaan, iyagoo gaaray dalalka deriska la ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey dalalka deriska la ah Ukrain ka codsatay in lasoo dhoweeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed, loona fududeeyo inay magan galyo.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online