7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 29, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya wiil 14 jir ah oo Xalay lagu dilay magaalada Jowhar
 

Talaado, Maarso, 29, 2022 (HOL) - Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa la sheegay in uu Xalay ku dilay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe Cabdiraxmaan Sheekh Cismaan Xuundow oo ahaa wiil yar oo da'diisa lagu sheegay 14 sano jir.

Toogashada 14 jirkaan ayaa la sheegay iney timid kadib markii askariga ka tirsan ciidamada dowladda oo doonayay inuu wiilka yar ka dhaco taleefan uu ku sitay gacanta, kaasoo dhowr xabadood ku dhiftay wiilka yar, islamarkaana si deg deg ah uga baxsaday goobta uu ku dilay wiilka yar.

Dilka kadib waxaa goobta gaaray guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan Axmed Faal iyo ciidamadiisa, walow aysan u suurta galin iney gacanta kusoo dhigaan askarigii dilka geystay, hayeeshee guddoomiye Axmed Faal ayaa sheegay inuu cadaalada hor keeni doono askari ka dambeeyay dilka wiilka yar.

Allah u naxariistee Cabdiraxmaan Sheekh Cismaan Xuundoow ayaa ka mid ahaa ardayda wax ka barata dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Xasan Barsane oo ku yaala magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online