7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 29, 2022
Col, Cabdullaahi Nasri: Waxaan maxkamadda ICC u gudbiyay dacwad ka dhan ah Farmaajo iyo Fahad Yaasiin
 

Talaado, Maarso, 29, 2022 (HOL) - Col, Cabdullaahi Maamed Nuur (Nasri) oo horey uga mid ahaa saraakiisha Jubbaland, ayaa sheegay inuu maxkamadda ICC u gudbiyay dacwad ka dhan ah madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin, Yaasiin Farey iyo shakhsiyaad kale oo katirsan dowladda Soomaaliya.

Cabdullahi Nasri oo warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi, ayaa sheegay inuu caddaalada la maridoono cid walba oo ku lug lahayd xarrigii iyo dhibaatadii loogu geystay intii uu ku xirnaa xabsiga Jilacow.

Wuxuu sheegay in maxkamadda ICC ay ka aqbashay dacwadiisa islamarkaana wuxuu sheegay bisha Ramadaan kadib in kiiskiisa uu gaaridoono meel wanaagsan.

“Waxaan rabaa inaan caddaalada la koro, anigoo sharciga u maraya cid walba oo ku lug lahayd dhibkii la ii geystay iyo dambigii la iga galay, oo shaqisiyan aniga dhibaato caafimaad ii geystay, ayuu yiri, Coll Cabdullahi Nasri.

Nasri wuxuu sheegay in kiiskiisa uu ugudbiyay safaaraddaha reer Galbeed ee  Soomaaliya arrimaheeda ku lugta leh, wuxuuna ka codsaday inay garab ku siiyaan in tallaabo laga qaado cid kaste oo ku lug lahayd kiiskiisa.

Si kastaba Col, Nasri, ayaa muddo labo bilood ah ku xirnaa xabsiga Jilow, sannadkii 2019, wuxuuna wareysi uu bixiyay kaga sheekeeyay dhibaatooyin loogu geystay xabsiga Jilacow.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online