7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 29, 2022
Dowlad degaanka Soomaalida oo sheegay in khasaaro uu ka dhashay roobab dhawaan ka da'ay deegaankaas
 

Talaado, Maarso, 29, 2022 (HOL) - Wasiirka Maareynta Khataraha iyo Masiibooyinka ee dowlad degaanka Soomaalida, Axmed Yaasiin Sheekh Ibraahim oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in khasaare uu ka dhashay roobab dhawaan oo ka da'ay qaybo kamid ah degaanka Soomaalida.

" Khasaaraha aan ilaa hadda hayno wuu kooban yahay, Adhi ilaa 300 oo neef gaaraya ayaa ku dhintay degmada Shabeelley ee gobolka Faafan, adhigaas isagoo markaas un soo cabay ayuu roobkii iyo dabaylihii socday ku dhaceen sidaas ayuuna ku dhintay, degmada Tulliguuleed iyadana adhi ilaa 60 neef gaaraya ayaa ku dhintay, inay jiraan goobo kalena waalaga yaabaa", ayuu yiri Wasiirku.

Waxa kale oo uu Wasiirku sheegay in dadkaas xoolahoodii uu roobku ka laayay lagaarsiiyay gurmadkii ay u baahnaayeen, sida Raashin, Baco waawayn oo ay roobka ka jirsadaan iyo waliba agabkii kale ee ay u baahnaayeen, isagoo Wasiirku xusay in gargaarka kala duwan la gaarsiinayo dhammaan dadkii ay waxyeelladu kasoo gaartay roobabkii dhawaan ka da'ay dowlad degaanka Soomaalida.

Wasiirku waxa kale oo uu xusay in lasiiwadi doono gargaarka loo fidinayo dadkii ay abaartu heshay oo wali dadku ay usii baahan yihiin cuntadii, balse roobku haddii uu yimaaddo lagaga raysanayo biyo dhaamintii la waday.

Ugu dambayn maadaama xilli roobaad la galayo Wasiirku waxa uu digniin kasoo saaray labo arrimood oo kala ah, In dadku iska ilaaliyaan inay cabbaan biyaha xareedda ah ee dhulka wadhan, maadaama laga yaabo in biyahaas hore ay qashin wataan, caafimaad ahaana aysan u fiicnayn, iyo in dadku iska ilaaliyaan meelaha Wabiyada, Dooxooyinka iyo Laagaha oo inta badan ay xiiliyadan oo kale ka dhashaan fatahaado waawayn oo dhib u gaysta dad iyo duunyaba.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa qaybo kamid ah dowlad degaanka Soomaalida ka da'ay roobab waawayn oo lagu diirsaday, iyadoo geesta kale roobabkaasi ay meelaha qaar keeneen khasaaro soo gaaray xoolihii yaraa ee kasoo haray Abaartii degaanka ka jirtay.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]