7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 28, 2022
Faysal Cali Waraabe:Madaxweyne sharci ku soco, doorashadii madaxweynaha qabo
 

Isniin, Maarso, 28, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa safarkii madaxweynaha Somaliland, ee Maraykanka guul ku tilmamay, isagoo dhanka kale madaxweynaha ku booriyay in uu qabto doorashadii madaxweynaha.

Faysal ayaa sheegay in xidhiidhka caalamka iyo Somaliland uu kolba ku xidhanyahay sida ay tahay xaalada gudaha ee Somaliland, wuxuuna madaxweyna ku booriyay in uu qabto doorashadii madaxweynaha oo ku beegan 13, November 2022.

"Safarkii madaxweynaha iyo waftigiisuna, guushaa inoo muuqatada ee la gaadhay, waa guul Somaliland u soo baxday, waa iftiin inoo soo baxay, oo ku yimid doorashooyonkii aan samaynay...iftiinkaa baxay iyo rajada muuqata waxay ku xidhantahay kolba sida uu gudaheenu yahay...waxan leeyahay sharci ku soco doorashadii madaxweynaha qabo" ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa wax aan suuragal ahayn ku tilmaamay in doorashada urrurada laga soo horaysiiyo ta madaxtooyada "Waxan suuragal ahayn oo aan na marayn oo dhibaato Somaliland u keeni doonta haku dhaqaaqin, sharci ayaynu ku kala soconaa, sharci ayaa lagu heshiiyay, sharciga ku soco ayaan ku leeyahay".

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa xukuumada ku khilaafsan in doorashada urrurada la qabto kahor doorashada madaxweynaha, iyagoo ku doodaya in madaxweyne Biixi uu doonayo in uu muddo kordhin samaysto.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online