7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 28, 2022
Qaramada Midoobay oo dalbatay 1.5 bilyan dollar si ay wax uga qabato xaaladda abaaraha Soomaaliya
 

Isniin, Maarso, 28, 2022 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay isku dayeyso in ay gacan ka geysato la tacaalidda xaaladda abaaraha Soomaaliya, iyadoo ka digtay khatarta ku saabsan in xaaladda abaaruhu isku badalaan macluul.

War-saxaafaddeed kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Qiyaastii 7.7 milyan qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar bini'aadannimo - taas oo ka dhigan koror boqolkiiba 30 ah laga soo bilaabo sanad ka hor.

“Dalka waxaa soo maray saddex xilli roobaad oo xiriir ah oo aanu roob da’in. Kan afraad, oo la filayo inuu bilaabo bisha Abriil oo uu sii socdo illaa Juun, ayaa sidoo kale la saadaalinayaa inuu ka hooseeyo sidii la rabey. Haddii ay taasi dhacdo, markaas waxaan saadaalineynaa khatar macluul,” ayuu yiri Isku-duwaha Arrimaha Bani'aadamnimada ee Soomaaliya, Adam Abdelmoula.

Sida laga soo xigtay Xafiiska Isu-duwidda Arrimaha Bani'aadannimada ee Qaramada Midoobay (OCHA), Soomaaliya ayaa xilligan ah dalka ugu daran ee ay abaaruhu saameeyeen ee Geeska Afrika. Ilaa 4.5 milyan oo Soomaali ah ayay abaartu si toos ah u saamaysay, waxaana ku barakacay ugu yaraan 700,000 oo qof.

Qorshaha Ka-jawaabista Xaaladda Bini'aadannimo ee Soomaaliya ee 2022, Qaramada Midoobay waxay u raadinaysaa ku dhawaad 1.5 bilyan oo doollar si gargaar bini'aadannimo loo gaarsiiyo 5.5 milyan oo ka mid ah dadka ugu nugul, oo ay ku jiraan 1.6 milyan oo barakacayaal ah, 3.9 milyan oo aan barakacayaal ahayn, iyo dadka naafada ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online