12/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 28, 2022
Madaxweyne Qoorqoor oo dib usoo celiyay wasiirkiisii arrimaha gudaha oo xilka laga qaaday sanad ka hor
 

Isniin, Maarso, 28, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa shaqada dib ugusoo celiyay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel).

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay inuu xilkaan ugusoo celiyay wasiirkiisii hore, kadib markii arkay baahida dardar galinta shaqada wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug.

Degreetada dib loogusoo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha, kama muuqan wax wadatashi ah oo madaxweyne Qoorqoor uu kala sameeyay madaxweyne ku xigeenkiisa, kaas oo markii hore lahaa xil ka qaadista wasiirka.

Wasiir Cabdi Waayeel, waxaa xilkaan looga qaaday shaqo gudasho la’aan iyo hurinta colaad beeleedyada deegaannada Galmdug, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka Galmudug, 29 March 2021. Waxaana laga joogaa muddo sanad ah.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online