7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 28, 2022
Madaxweynaha Hirshabeelle oo Codsaday in Gurmad Qaran loo sameeyo Isbitaalka Baledweyne sidii dib loogu dhisi lahaa
 

Isniin, Maarso, 28, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan maamulkiisa oo maanta kormeer ku tagay Isbitaalka weyn ee magaalada Baledweyne oo dhawaan ku burburay mid ka mid ah qaraxyadii ka dhacay Baledweyne ayaa ku baaqay in gurmad qaran loo sameeyo sidii dib loogu dhisi lahaa cisbitaalka magaalada Beledweyne.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa sheegay in dhamaan dhismaha Isbitaalka iyo qeybahii uu ka koobnaa ay wada burbureen oo aysan jirin hal qeyb oo ka badbaaday burburka uu u geystay Isbitaalka qaraxii ka dhacay 23-kii bishaan albaabka hore ee Isbitaalka weyn ee magaalada Baledweyne.

"Isbitaalka waa mid burburay dhamaan tiis oo hadda qofkii yimaada roobka ayaa ku da'aya oo waa meel banaan in adeeg Caafimaad loo qabto iska daaye, Isbitaalka guud ee Baledweyne waxa uu u baahan yahay gurmad qaran si dib loogu dhiso, wax qabashada Isbitaalka heer gobol wey dhaaftay dowlada Fedaraalka iyo dhamaan cid walba oo gacan ka geysan karta aaxaa diyaar u nahay inaan kala shaqeyno oo garab istaagno, anagana gacmaha kama laabaneyno" ayuu yiri madaxweyne Guudlaawe.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa imaanaya xili Isbitaalka Baledweyne uu dhamaantiis ku burburay qarax xoogana oo 23-kii bishaan ka dhacay albaabka hore ee Isbitaalka weyn ee magaalada Baledweyne ee xarunta gonolka Hiiraan, kaasoo adeegyo lacag la'aan ah u sameyn jiray maalin walba bukaano ka yimaada deegaano kala duwan oo ka mid ah gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online