7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 28, 2022
Drs Edna Aadan oo loo doortay madaxweynaha urrur u dooda waddamada aan la aqoonsan

Isniin, Maarso, 28, 2022 (HOL) - Drs Edna Aadan Ismaaciil oo ah umuliso caan ah oo reer Somaliland ah, ayaa loo doortay in ay noqoto madaxweynaha urrurka UNPO, oo ah urrur u dooda waddamada aan la aqoonsan, oo xaruntiisu tahay magaalada Hague ee dalka Netherlands.

Urrurkan oo la aas aasay February 11, 1991, ayaa loo asaasay in uu u doodo waddamada iyo bulshooyinka aan matalalaada ku haysan caalamka, iyo bulshooyinka la hayb-sooco, sidookale wuxuu ka shaqeeyaa arrimaha xuquuqda aadanaha, dimuquraadiyada iyo xuquuqda gooni isutaaga waddamada.

Sidookale, Elisenda Palusie Catalonia, ayaa loo doortay madaxweyne ku xigeenka kowaad, Rubina Greenwood Sindh, ayaa sidookale urrurku u doortay madaxweyne ku xigeenka labaad.

Drs Edna Aadan Ismaaciil, oo ah umuliso caan ka ah guud ahaan Somaliland iyo caalamka, ayaa ah shakhsi ku ad adag qadiyada gooni isu taaga Somaliland, waana ergayga gaar ka ah ee Somaliland u qaabilsan wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya inkasta oo Somaliland sheegtay in wadahadaladii burbureen.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]